Trump oo taageerayaashiisa kula hadlay Texas SAWIRRO

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa taageerayaashiisa kula hadlay magaalada El Paso gobolkaasi Texas, waxaana kulankaasi dabasocday dibadbax ay dhigayeen dad isaga kasoo hor jeeda.

Kulankan ayay taageerayaasha iyo madaxweyne Trump-ba ku taageerayeen darbiga uu damacsan yahay in uu ka dhiso xadka gobolkaasi la wadaago dalka Mexico.

Madaxweyne Trump ayaa kulankan ku “weeraray” warbaahinta soo xaadirtay, waxaana uu ku tilmaamay kuwo cadow ku ad guulihiisa, wuxuuna ku sheegay in ay marwalba qod-qodaan isaga si ay dabin ugu ridaan.

Waxaa uu si toos ah u weeraray taleefishinka CNN, isagoona ku sheegay mid aan jirin, wuxuuna yiri “CNN sucks!”.

Weerarkan afka ah ee uu madaxweyne Trump ku qaaday warbaahinta ayaa waxaa uu sababay in nin taageere Trump ah uu weerar ku qaado nin wariye ah kaas oo kaamirada ka tuuray, kuna qeyliyay “Fuck the Media”.

Kooxaha kasoo horjeeda Trump ayaa iyana goobka kulanka bannaankeeda la wareeyay boorar ay kaga soo horjeedeen dhisidda darbiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*